DHAGEYSO: Cali Guudlaawe oo ka hadlay Abaaraha Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay heerka ay gaarsiisan tahay Abaaraha ka jira Degaanada Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Abaaro balaaran in ay ka jiraan Degaanada Hirshabeelle, maadaama Wabiga uusan laheyn Biyo, sidoo kalena Roob uusan ka di’in Degaanada Hirshabeelle qaarkood.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay Mashaariicyo badan in ay ku soo wajahan yihiin Degaanada Hirshabeelle, si loogu badbaadiyo dadka dhibaateysan.

Sidoo kale Madaxweyne Guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka Hirshabeelle in ay ka shaqeeyaan ammaanka, si loo helo xasilooni iyo nabad waarta, loogana hortago weerarada mararka qaar halkaasi ka dhaca.

Abaaro daran ayaa waxa ay ka jiraan Gobolada qaar ee Dalka, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay wadaan dadaalo dadkan lagu bad baadianayo.