Muqdisho-RisaalaFM- General Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa Idaacadda Risaala uga waramay Geeridii xalay ku timid Allaha u naraxiistee Taliyihii Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Cali Maxamuud Cali (Shariif).
Cali Gaab ayaa sheegay Cali (Shriif) inuu ahaa nin ka soo shaqeeyay Ciidamada xoogga dalka, isku marna ay ku soo biireen Booliska Soomaaliya, sidoo kalena uu ahaa nin Soomaali ah oo shaqadiisa ka adkaa oo dalka iyo dadka daacad u ahaa.
Wuxuu kaloo sheegay General Cali (Gaab) in bilooyin ka hor loo qaaday dalka Hindiya xaalad caafimaad daro awgeed, kadibna lagu soo celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Sidoo kale Cali Xirsi Barre oo aan cadeyn xanuunka uu u geeryooday Cali (Shariif) ayaa Risaala u sheegay in xilka uusan heyn maalmihii dambe, maadaama xanuunka hayay uu ku sii kordhay.
General Cali Maxamuud Cali ayaa howlo badan u qabtay Qaranka intii uu noolaa isagoo laba jeer noqday Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Xamar, wuxuuna kala wareegay General Cali Gaab.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa isla maanta in lagu Aaso, waxaana Aaska ka qeyb galaya Saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Ilaalada Wadooyinka, Ehelada marxuumka iyo xubno kale.



