Cabashooyin kala duwan ayaa kasoo baxaysa doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaayay in ay ka mid noqdaan xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegaya in ay iskaga baxeen doorashada.
Waxa ay sheegeen in ay jiraan musuq maasuqyo ay wadaan qaar kamid ah waxgaradka soo xulaayay ergooyinka dooranaya xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya.
Waxaa ay sidoo kale ay sheegeen in ay goobta ay ka socotay doorashada ay ka waayeel ergooyinkii matalayay beelahood ee dooran lahaa.
Axmed Xuseen Shuute oo ka mid ahaa Musharaxiinta Aqalka Hoose ayaa ka baxay doorashada ka dib markii uu sheegay in la badelay ergooyinkii dooran lahaa asaga ,islamarkaana odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale guddiga doorashooyinka ay soo xareeyeen ergo aan sax aheyn.


