DHAGEYSO: Cabasho ka timid Gaadiidleyda Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa shir jaraa’id ku qabtay Gaadiidleyda ka shaqeysa Muqdisho, waxaana ay ka hadleen cabasho ay sheegeen in ay ku heyso shirkada ceymiska ee Takaaful.

Waxa ay sheegeen in ay dhib ku qabaan lacago xad dhaaf ah oo laga qaado Gaadiidleyda, taas oo aan waxba loogu qaban, inkastoo lacagaha Maamulka Gobolka Banaadir uu qaado wadooyinka lagu dhiso.

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in hada ay soo baxday shirkad cusub oo Takaaful la yiraahdo, taas oo si cad Gaadiidleyda uga qaada lacago ay ku sheegeen Ceymis, waxaana ay sheegeen in ay adeegsanayaan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Nuur Siyaad Wardheere oo ka mid ah Milkiilayaasha Gaadiidka BL-ka ah ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatada ay ku qabaan shirkada Ceymiska ee Takaaful.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Iskaashitoyinka Gobolka Banaadir Maxamed Rashiid Maye ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan shirkada Ceymiska oo lacago baad ah ka qaada Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in laga xareystay ku dhowaad Boqol Gaadiid ah oo ay lahaayeen.

Dhowaan ayay aheyd markii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Genaral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu sheegay in shirkada ceymiska ee Takaaful ay kala shaqeyn doonaan dhinaca sharciga.