Bandhiga buugaag loogu magac daray Silsilada buugaagta Farmaal oo uu qoray qoraa Soomaaliyeed ayaa maanta gelinkii dambe waxaa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.
Munaasabada lagu soo bandhigayay buugaagta Farmaal ayaa waxaa goob joog ka ahaa Qoraayaal Soomaaliyeed, Wakiilo matalayay Jaamacadaha dalka, Dhalinyarada, Mas’uuliyiin iyo qeybaha kale ee bulshada.
Buugaagta Silsilada Farmaal oo ka kooban ilaa iyo 4 buug oo kala duwan ayaa waxa ay ka sheekeynayaan taariikhda dalka, farta Soomaaliga iyo qeybo kale oo muhiim ah.
C/raxmaan Maxamed Axmed Cadaawe oo ah qoraaga buugaagtan ayaa sharaxay sababta ku dhalisay in uu qoro buugaagtan iyo faa’iidada ay leeyihiin.



