Maalmihii u dambeeyay Magaalada Hargeysa waxaa kusoo kordhay dad gubaayay Gaadiidka ay raacaan dadweynaha ee ka shaqeeya Magaalada Hargeysa.
Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa howlgallo ay sameeyeen ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan qaar ka mid ah dadkii falkaasi ku kacay.
Afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland Faysal Xiis oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa waxaa uu sheegay in ciidamada Ammaanka ay soo qabteen 9 ruux oo falkaasi qaarkood ay ku guda jireen xilliyadii la qabaanayay.
Waxaa uu sheegay in ay baaris weyn ay ku sameyn doonaan dadkii falkaasi ka dambeeyay hadda gacanta ugu jira ciidamada Ammaanka.
Hadalka kasoo baxay ciidamada Booliska Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli dadka Shacabka ah ay cabasho ka muujinayay maalmihii lasoo dhaafay dadka gubaaya Gaadiidka dadweynaha.



