Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in ay taageerto Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle si uu uga gudbo caqabado faraha badan ee xilliggaan horyaalla.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in ay muujiso taageeradeeda ku aadan degaanada maamulka Hirshabeelle si amni looga dhigo degaanada maamulka Hirshabeelle.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in si wadajir loola shaqeeyo Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdi Awaare.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii Amni iyo horumar looga sameyn lahaa degaanada maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa shalay Magaalada Jowhar ku doortay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ka dib markii dhawaan ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaasi.



