DHAGEYSO: Barnaamijka Isla xisaabtanka K/Galbeed oo ka socda Baydhabo “SAWIRRO”

Baydhabo-RisaalaFM- Weli waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka sii socda Barnaamijka Isla xisaabtanka Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda, kaasi oo soo bilowday Axadii ina dhaaftay.

Barnaamijkan ayaa ah mid shacabka Koonfur Galbeed ay su’aalo ku weydiinayaan Mas’uuliyiinta Maamulkaasi, iyaga oo sidoo kale ku biirinaya aragtidooda ku aadan waxa lagu soo kordhin karo Maamulka.

Shacabka ka qeyb galaya Barnaamijkan ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa subixii hore waxa ay ku sii xaadiraan xarunta lagu qabto, iyaga oo isugu jira dad Da’ah, Haween, Dhalinyaro iyo Odayaal.

Maanta waxaa marti ku ahaa Barnaamijkan Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Waxbasrahada, Degaanka iyo Dastuurka, waxaana su’aalo la weydiinayay Wasiirada Wasaaradahan.

Sida uu qorshuhu yahay Barnaamijka Isla xisaabtanka Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo maalinta berri ah, xilligaasi oo la soo bandhigayo natiijadiii ka soo baxday, sida uu horey u sheegay Wasiirka Warfaafinta Maamulkaasi.

 

koonfur 1 koonfur 2

koonfur 12 koonfur 3 koonfur 4 koonfur 5 koonfur 6 koonfur 7 koonfur 8