DHAGEYSO:- Bannaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacaya Muqdisho

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in uu Magaalada Muqdisho ka dhaco bannaanbax ay soo qaban qaabisay Dowladda Soomaaliya, kaas oo bilaaba doona subaxa hore, isla markaana looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Bannaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb geli doona Inta badan Shaqaalaha kala duwan ee dowladda, Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Shacabka Muqdisho, waxaana looga soo horjeeda xasuuqii habeeno ka hor Al-Shabaab ay ka geysteen Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Dowladda Soomaaliya qorsheysay in dibad-baxaas uu ka dhaco qeybo badan oo ka mid ah magaalada, balse ugu dambeyntii la isugu tago xeebta Liido, isla markaana Mas’uuliyinta dowlada ay bulshada kula hadlaan.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamed ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay bannaanbaxaas.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraray, isla markaana dad badan oo Shacab ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho, hayeeshee la aaminsan yahay in bannaanbax uusan waxba soo kordhineyn.