Galgaduud-RisaalaFM- Degmada Caabud-waaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud maanta waxaa ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay Dadweyne isaga kala yimid xaafadaha ay kooban tahay Degmada Caabud-waaq, waxaana ay wateen boorar uu ku sawiran yahay Ra’iisul Wasaaraha cusub, iyagoo ku qeylinayay ereyo lagu amaanayo Mudane Khayre.
Qaar ka tirsan shacabka ka qeyb galay Banaanbaxan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad u soo dhaweynayaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale waxa ay sheegeen waxqabad in uu leeyahay Mudane Khayre, maadaama arrimaha Banni’aadanimada uu horey uga soo shaqeeyay, Soomaaliyana hada ay arrimahaasi u baahan tahay.
Ugu dambeyntii waxa ay ugu baaqeen in uu si hufan ula shaqeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena uu ka fakaro danaha dalka, dadka iyo diinta, si loo gaaro guulo iyo hormar.


