DHAGEYSO: baarlamaanka Soomaaliya oo meel marinaya Sharciga xisbiyadda dalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah gudiga arimaha gudaha iyo amniga baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sharciga axzaabta dalka ka dhisan oo shalay la geliyay gacanta gudiga uu kamid yahay ee arimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sharcigaasi uu yahay mid ay wada sugayaan shacabka Soomaaliyeed iyo axzaabta iminka sida kumeel gaar ah kaga dhisan dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Daahir Amiin Jeesow, ayaa sidoo kale shaaciyay in labada maalin ee soo socoto lagu hor geeni doono sharcigaasi xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan kagana doodaan soo diyaarinta ay sameysay xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in sharcigaasi gudiga arimaha gudaha baarlamaanka uu dib u eegis ku sameynayo ka hor inta aan xildhibaanada la horgeynin si ay wax kaga badalaan ama ugu daraan sharciga.

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maalmo ka hor meel mariyay sharciga xisbiyadda dalka Soomaaliya, waxaana haatan dalka ka dhisan xisbiyo badan oo doonaya hanashada siyaasada dalka.