Garowe-RisaalaFM- Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Axmed Cali Xashi ayaa soo saaray go’aan lagu farayao Golaha Xukuumadda Puntland in ay ka horatagaan in Doorasho Soomaaliland ay ka dhacdo degaano ka mid ah Puntland.
Go’aankan ayaa sidoo kale faraya Golaha Xukuumadda Puntland in ay soo saaraan baaq ku saabsan faragelinta maamulka Somaliland uu ku hayo maamulka Puntland iyo talaabadii arrintaasi laga qaadan lahaa.
Beesha Caalamka ayay sidoo kale uga digeen in arrintan ay ku garabsiiyaan maamulka Somaliland, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha Baarlamaanka maamulka Puntland Cali Axmed Saalax.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Cali (Qarjab) oo dhowaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka diyaarsan yihiin in dhiig uu ku daato is qab qabsi ka yimaada in Somaliland ay sanaadiiq keento degaanada Puntland.



