DHAGEYSO: Baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay Guddiga qaban qaabada

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga qaban qaabada Guddooonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay halka ay hada mareyso araaji qabashada Musharaxiinta iyo diyaar garowga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay u socdaan howlaha Doorashooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.

Maalmaha Taariikhdu ay ku beegan tahay 11-ka ilaa 12-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay ka dhacaan Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.