DHAGEYSO: Baarlamaanka oo ka hadlay Go’aamadii Hay’addaha Amniga

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay Hay’addaha amaanka ee dowladda.

Guddiga Difaaca ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxay Hay’addaha amaanka ay yihiin kuwo Muhiim ah oo Xoojinayo dowladnimada Soomaaliya.

Guddiga waxa uu xusay in ganacsatada Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan dowladda.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaanka iyo Xukuumada loogu baahan yahay in ay Hay’adaha amaanka la shaqeeyaan.

Hay’addaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaa habeen hore soo saaray Go’aamo adag oo ku aadan Ganacsatadda taageerta Al-Shabaab.