Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya oo booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga dhadhaab ee dalkaasi Kenya ayaa sheegay in baarlamaanka dalka Kenya uu doonayo qorshe ku aadan diyaarinta sharci cusub oo ay ku joogayaan qaxootigaasi xeryaha Dhadhaab ee dalkaasi Kenya.
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab Maxamed Daahiye Ducaale oo ka mid ah xubnaha tagay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa saxaafada u sheegay in u jeedka halkaasi u tageen ay tahay in aragtiyo kala duwan ay weydiiyaan dadka qaxootiga ee ku nool halkaasi maadaama baarlamaanka dalka Kenya uu qorshaha ugu jiro in uu diyaariyo sharci ku aadan qaxootiga halkaasi ku sugan.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay gudaha dalka Soomaaliya ka dib markii dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’ada UNHCR ay kala saxiixdeen heshiis 3 geesood oo dhigaya in qaxootiga dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya.


