DHAGEYSO: Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay Golaha Wasiirada

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar waxaa ay ku ansixiyeen Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

71- mudane oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Ogolaaday in ay Ansax yihiin Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle.

Kulanka lagu Ansixinaayay golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa intii uu socday waxaa hareeyay Buuq xooggan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Maxamed Barre ayaa ku dhowaaqay in 71 xildhibaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa horay u sheegay Qaarkood in aysan Aqbali doonin Ansixinta Golaha Wasiirada.