DHAGEYSO: Baarlamaanka Galmudug oo wax ka badal ku sameeyay dastuurka Galmudug

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa wax ka badal waxa ay ku sameeyeen sharciyo qaar oo ku qoran dastuurka maamulka Galmudug kaas oo ku aadan kalsooni siinta iyo kala noqoshada.

Dastuurka ayaa markii hore qorayay in lagu soo doorto 50 lagu daray hal codadka xildhibaanada baarlamaanka Galmudug iyadoo kalsooni kala noqoshadana ay ahayd mid taasi ka duwan.

Xildhibaan Mahad Sh.Cali Cibaar oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Idaacadda Risaala arimahaasi uga warbixiyay arimahaasi.