DHAGEYSO: Axsaabta Siyaasada oo hadlay Sharciga Madaxweynaha uu saxiixay

Muqdisho-RisaalaFM- Qaar ka mid ah Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka ayaa soo dhaweeyay saxiixa Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasada Dalka oo ay horey u soo ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in Madaxweyanaha uu saxiixo sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka, islamarkaana ay aad ugu baahan yihiin.

Waxa ay tilmaameen in ay wanaagsan tahay in Dalka Soomaaliya uu ka dhaqan galo sharciga Axsaabta Siyaasada.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasada Dalka, kadib Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.