Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa beeniyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM in horay ay duqeymo kaga geesteen deegaano ka tirsan Jubooyinka iyo Gedo duqeymahaasin ay qasaaro ugu geesteen dad shacab ah iyo waliba xoolo.
Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in arimahaasi oo dhan ay yihiin warar been abuur ah oo la buun buuniyey waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay hogaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe in uu ka jawaabayo in maamulkiisa wax kasta oo cadeymo ah oo arimahaani ku saabsan.
Shacabka reer Gedo ayaa waxa ay dhowr jeer oo horay waxa ay cabasho kaga muujiyeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya waxa ayna sheegeen ciidamadaasi in ay dhibaato u geystaan mararka ay weerarada kala kulmaan ururka Al-shabaab iyo waliba sidoo kale xilliyada ay howlgalada ku jiraan oo ay sameeyaan duqeymo aanan kala sooc lahayn.


