DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo ka hadlay Caqabadaha hortagaan maamulkiisa

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sheegay in maamulka kiisa uu wajahayo caqabado kala duwan oo kaga imaanaya Xarakada Al-Shaabab .

Waxaa uu xusay hogaamiyaha maamulka Jubbaland in degaanada maamulka Jubbalad ay adagtahay in layskaga kala gudbo.

Arimaha Dhaqaalaha ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sheegay in ay wax badan oo culays ah uu ka jiro deeganada dalka oo aan isku furayn taasna ay meesha ka baxayso marka hawlgalka xorayntu uu bilawdo.

“Dhaqaalaha Dowladu wax badan ayay ka qabatay oo ay ugu horayso hawsha ay hayso Wasaarada Maaliyadu lakiin waxaa culays uu ka jiraa deeganada oo isku socodkooda dhinaca dhulka ah uu adag yahay” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab.