33 qof oo ku dhimatay Shil diyaaradeed

Diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo dalka Turkiga laga leeyahay ayaa ku dul burburtay caasimadda dalka Kyrgzstan ee Bishkek.

Waxaa shilkaasi ku dhintay 33 qof, waxaana dadka shilkan ku dhintay u badan kuwo deganaa guryihii ay ku dul dhacday diyaaradda.

Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi Kysgztan ayaa sheegtay in duuliyihii diyaaradda iyo sidoo kale 32 qof oo kale ay ku dhinteen Shilkaasi.

Diyaaraddan oo nooceedu uu yahay Boeng 747 ayaa ka timid dalka Hong Kong, waxa ayna u socotay magaalada Beshkek ee caasimadda dalka Kyrgzstan. Lamana oga sababta shilkan keentay.