Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa ayaa galabta waxaa ku tartamay Degmooyinka Awdheegle iyo Dharkeynley.
Waxaa Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala sandkan taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA.
Awdheegle iyo Dharkeynleynley ayaa galabta tartamay kulankooda 3-aad ee Tartamka Degmooyinka Risaala.
Degmada Awdheegle oo ka socotay gobolka Shabeelaha Hoose iyo Degmada Dharkeynley oo ka socotay gobolka Banaadir ayaa galabta ku kala baxay bar baro min 8 dhibcood ah.
Groupka A ee tartanka oo ay kuwada jiraan Degmooyinka Awdheegle, Dharkeynley, Afgooye iyo Warta-nabadda ayaa waxaa galabta tartanka isaga haray Degmooyinka Warta-nabadda iyo Afgooye.
Degmooyinka Awdheegle iyo Dharkeynley ayaa u soo gudbay wareega 3-aad ee tartanka Degmooyinka kadib markii ay noqdaan markii ay noqdeen Labada Degmo ee ugu dhibcaha badan ee Groupka A, waxaana kaalinta 1-aad ku soo baxday Degmada Dharkeynley oo wadata 7 dhibcood halka degmada Awdheegle dhankeeda ay ku soo baxday kaalinta 2-aad oo sidoo kale wadata 7 dhibcood.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Guddiga Tartanka Degmoooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada tartankii udhaxeeyay degmooyinka Awdheegle iyo Dharkeynley.
Maalinta beri ah oo Bisha Ramadan ay noqon doonta 18 waxaa tartami doona degmooyinka Afgooye iyo Wart-nabadda oo tartami doona kulankooda Saddexaad ee tartanka.



