Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa Munaasabad Qalin jebin ah loogu qabtay Arday ka Qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga oo ku taalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Ardadan ayaa tiradooda waxa ay gaareysay ku dhowaad 40 Arday, ayaa waxa ay dhameysteen Heerka 2aad Waxbarashada Jaamacadeed (Master Degree) ee Kuliyadda Daraasaadka Sare. Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Jamacadda Islaamiga, Macalimiin, Arday, Madaxda Kale oo ka socotay jaamacadaha ku yaalla dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho sida: Jaamacadda Muqdishu, Jazeera, Jamhuuriya, Quraanka, Abraar iyo Almacrifa iyo marti sharaf kale oo isugu jira hay’adaha waxbarashada, shirkadaha, bankiyada, iyo kuwa kale.
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Islaamiga Pro, C/qaadir Cali Muumin ayaa sheegay in Dufcadaan ay tahay Dufcadii ugu horeysay oo dalka dhexdiisa uga qalin jabisay Kulyada Darasaadka Sare, qaatayna darajada Masterka oo ay ku baranayeen muddo Sadex sano ah, Sidoo kale Pro, C/qaadir Cali Muumin Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Islaamiga ayaa waxuu sheegay in ay jiraan Dufcado kale oo ku soo xiga Ardayda maanta qalin jebisay.
Dhanka kale qaar Ka mid ah Ardaydii Qalin jabisay Maanta ayaa ka warbixiyay dareenkooda iyo waxyaabaha ay barteen, iyagoo u mahad celiyay Maamulka Jaamacadda iyo barafasooradii wax u soo dhigay intey diyaarinaayeen darajada masterka.
Jamacadda islamiga ayaa ka mid ah Jaamacadaha ugu faca weyn dalkeena soomaliya iyadoo gudbisa tacliin tayeysan si loo daboolo baahida dalka ee dhanka waxbarashada sare, waxaana sanad walba ka qalin jebiya Arday fara badan, kuwaasi oo bartay Takhasusyo kala duwan bulshaduna aad ugu baahantahay.




