Ilaa iyo 21 arday oo kuwa araga La’ ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho loogu soo gaba gabeeyay tababar, waxaana tababarkaas uu ahaa mid ay ku baranayeen Qorista iyo Akhrinta bareelaha ah ayaa muddo 3 bil ah uu u socday.
Guddi ay horey u magacawday Hay’adda Warbaahinta Risaala ayaa caawiyay tababarka ardaydan loo soo xiray.
Sheekh Maxamed Axmed oo qeyb ka ahaa guddigii horey loo magacaabay ayaa sharaxay tababarka ardaydan loo soo xiray.
Agaasimaha Hay’adda Warbaahinta Risaala Al-Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay in la gaaray hadafkii laga lahaa caawinaada iyo garab istaaga dadka baahiyaha gaarka qaba, waxaana uu sheegay in Idaacadda Risaala ay sii wadi doonto taageerida iyo garab istaaga dhalinta araga La.
C/laahi Maxamed Cali oo ku hadlayay ardayda maanta tababarka loo soo xiray ayaa bogaadiyay doorka ay ka qaateen guddigii tababarkan soo qaban qaabiyay.
Maamulka Idaacadda Risaala ayaa waqti walba waxa ay ku dadaalaan sidii ay u caawin lahaayeen dadka danta yar, si aysan u dareemn cidlo.


