DHAGEYSO: Aqalka Sare oo ka digay faragelin in lagu sameeyo Doorashada Koonfur Galbeed

Gudiga joogtada ah ee golaha aqalka sare baarlamaanka Sooomaaliya oo maanta shir saacado badan qaatay ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa waxa ay ka digeen in aan wax faragelin ah lagu sameynin doorashooyinka dhawaan kuso wajahan maamul goboleedyadda dalka qaarkood.

Xogyaha aqalka sare Cali Maxamed Jaamac oo warbaahinta la hadlay shirka ka dib ayaa waxa uu sheegay in ay ka digayaan in aan faragelin lagu sameynin doorashada maamul goboleedyada gaar ahaan koonfur Galbeed.

Waxa uu ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed in ay u hogaansamaan shuruucda u dagsan maamulka koonfur Galbeed iyo tan guud ahaan ee dalka.

17’ka bishaan ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee maamulka koonfur Galbeed ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo ay u taaganyihiin musharixiin dhowr ah.