DHAGEYSO: Aqalka sare oo eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Gudooomiyaha  golaha aqalka sare Mudane Cabdi xaashi  Cabdullaahi ayaa masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ku eedeeyay in sababteeda ay leeyihiin khilaafka soo jiitamay ee u dhaxeeya.

Waxa uu si gaar ah u far muuqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  waxa uuna sheegay in midkoodna uusan dooneyn in uu tanaasul ka sameeyo khilaafka u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxa uu ku nuux nuuxsaay saameynta khilaafka u dhexeeyo maamul goboleedyada iyo dowlaadda federaalka in uu sabab u noqday dib u dhac dhan waliba leh loona baahanyahay in la tixgeliyo dadaalada uu goloha aqalka sare ee Soomaaliya uu ku doonayo in uu ku xaliyo khilaafkaasi.

Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda federaalka iyo Maamul goboleeyada ayaa gaaray heerkii ugu sareysay xili maamulada qaar dhawaanahaan ay u diyaar garoobayaan doorasho lagu dooranayo madaxweynaha majaraha u qaban lahaa.