DHAGEYSO: Aqalka Sare oo baaq u diray Siyaasiyiinta iyo waxgaradka

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya ay kaga gudbi laheyd dhibaatooyinka Maanta.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in doorka Waxgaradka Soomaaliyeed uu si firfircoon uga muuqdo dowlad goboleedyadda oo Aqalka Sare uu matallo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta u baahan tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo si loo helo Midnimo.

Ugu dambeyntii waxgaradka Soomaaliyeed ayuu kaga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan horumarinta Nabadda Soomaaliya.