Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar oo ka hadlaayay suggida ammaanka Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho inuusan gacanta ugu wadajir dowladda Federalka Soomaaliya.
Waxaa uu xusay in Magaalada Muqdisho ay u muuqato xero ciidan, marka la eego ciidamada faraha badan ee ku dhex buuxa .
Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in sanadkaan ay ka go’an tahay in ay isku furaan wadooyinka xiran ee Muqdisho.
Ciidamada Faraha badan ee ku dhex jira Magaalada ayuu sidoo kale sheegay in ay ka saari doonaan si loo suggo amniga Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay.
Inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhooban ciidamo aad u farabadan oo isugu jira Nuucyada kala duwan ee Ciidanka , mana jiro ciidan gaar ah oo la oran karo waxaa ay u xilsaaran yihiin suggitaanka Amniga Muqdisho.


