DHAGEYSO: Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada lasoo dhoobay ciidamo aad u farabadan oo loogu talagalay in ay adkeeyaan ammaanka magaalada Baydhabo.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lasoo dhoobay wadooyinka soo gala Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo oo dhan.

Gudoomiyaha Magaalada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin ayaa sheegay in sababta loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo in ay tahay doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo maalmaha soo socda ka dhaci doonto Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sugitaanka ammaanka ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya , kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.