DHAGEYSO: AMISOM oo laga mamnuucay wadooyinka Muqdisho Qaarkood

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa  Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka mamnuucay in ay maraan wadada dheer ee Makka almukaramah.

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM laga bilaabo saacaddaha 6:00 subaxnimo ilaa 6:00 Maqribnimo in aysan marikarin wadadaasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka  Banaadir ayaa Amray laamaha Amniga hadii ay Ciidamada AMISOM isku dayaan in ay maraan wadadaasi in ay soo qabtaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u aqriyay Wareegtadaasi.