Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka warbixiyay howgallada ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay sida wadajir ah u wadaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed , kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka AMISOM.
Taliyaha ciidanka AMISOM ee qeybta Saddexaad gobolada Baay iyo Bakool Kornel Aserti oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah bilhii la soo dhaafay.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka AMISOM ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ka saaraan gobolada Baay iyo Bakool .
Howgallada ay ka wadaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay sii laba jibaari doonaan.
Waxa uu ku baaqay in mushaarkooda la siiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.


