Wafdi ka socda dowladda oo gaaray Cadaado

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ay gaareen wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dadban ee dalka.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed , iyo sidoo kale saraakiil kale

Wafiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM jeneral Subagle.

Ujeeda ay u gaareen magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay dardar galinta howlaha doorashooyinka xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.