DHAGEYSO: AMISOM oo isaga baxday Leego

Sh/Hoose-RisaalaFM- Ciidanka Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM ayaa isaga degaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay warbahinta Risaala u xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.

Guddoomiyaha degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose Abuukar C/laahi Isaaq (Al-cadaala) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay maamulkooda shalay in lagu soo wargeliyay in Ciidanka Midowga Afrika AMISOM ay ka baxayaan degaankaasi.

Abuukar C/laahi Isaaq ayaa sidoo kale sheegay AMISOM saakay in ay ka baxeen degaanka, ayna u soo dhaqaaqeen dhanka Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyaga oo wata Gaadiidkooda dagaal iyo sahnadooda Millitari.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha ilaa hadda in aysan garaneyn sababta ay u baxeen Ciidanka AMISOM, balse wuxuu sheegay in ay maqleen arrintan in ay ku saabsan tahay isbedelad ay sameynayaan Ciidamada, oo degaanka ay soo gaari doonaan Ciidamo kale oo ka yimid Baydhabo.

“Ciidamada AMISOM saakay ayay baxeen, wax jooga malahan degaanka, shacabka xoogaa cabsi ayaa soo food saartay taasi oo ah in Shabaab ay weerar soo qaadaan, balse intii karaankeena ah waan la dagaalameynaa Shabaab”. Ayuu yiri Guddoomiye Abuukar.

Dadka degaanka ayaa la sheegay in ay soo food saartay cabsi ku aadan in degaanka ay gudaha u soo galaan Dagaalyahanada ururka Al-shabaab, maadaama weli degaanka aysan soo gaarin Ciidamada AMISOM ee bedeli lahaa qeybtan baxday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ku aadan sidii guud ahaan amniga dalka ay ula wareegi laheyd, maadaama la qorsheynayo in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM dalka ay ka baxaan.