Taliska Ciidanka AMISOM ayaa ku dhawaaqay hawlgal cusub oo lagu furayo wadada dheer ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in wadadaasi dheer ay jareen Al-Shabaab islamarkaana ay Qaraxyo u aasaan gawaarida Masuuliyiinta iyo Saraakiisha ee isticmaasha wadadaasi.
General Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka sifeynayaan wadooyinka ay jareen sidoo kalena ay ka saaraan degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Sh/Hoose.
Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku soo koobmeyn oo keliya in qaraxyo dhigaan iyo sidoo kale in ay jareen wadooyinka.
Al-Shabaab ayaa inta badan qarxiya Gawaarida Masuuliyiinta iyo Saraakiisha ee isticmaasha Wadada dheer ee Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.



