DHAGEYSO: Amaro lagu soo rogay dadka kunool degmada Luuq

Diyaad Cabdi Kaliil Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Luuq oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in amaro kala duwan lagu soo rogay bulshada kunool degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Taliyaha ciidanka Booliska degmada Luuq ayaa sheegay in dadka kunool degmada looga baahan yahay in ay soo diwaan geliyaan dadka cusub ee kusoo kordhay Magaalada.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka amaanka ay talaabo ka qaadi doonaan cidii lagu helo iyada oo aan ka diwaan gashaneyn Degmada oo Magaalada dhex joogta.

Waxaa uu sidoo kale sheegay gurigii laga helo qof aysan ka warqabin maamulka degmada in ay la wareegi doonaan ciidanka ammaanka.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada kunool degmada in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka si looga hortago weerarada Al-Shabaab.