Dhageyso:-Amarkii Maamulka Gobolka Hiiraan & Ganacsatada oo hirgalay

Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa sirasmi ah uga hirgelay Amarkii ay horay siwadajirka aheyd u soo sareen Maamulka gobolka Hiiraan & Ganacsatada kaas oo ku saabsanaa isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga.

Ganacsatada ayaa si caadi ah u qaadanaya Magaalada Baladweyne lacagta shillinka Soomaaliga oo sanadihii u dambeeyay aan laga isticmaalin,waxaana dadka ay ku iibsanayaan waxyaabaha qutul daruuriga ah.

Qaar ka mid ah dadka Shacbaka ah ee Magalada Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in lacagta Shillin Soomaaliga isticmaalkeeda ay mudo todobaad ah sirasmi ah uga hirgashay Magalada Baladweyne,isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin.