DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Ex-Afgooye ee Magalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu qarxay,kadib markii ay rasaaseeyeen ciiamo ka irsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka shakiyay.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in rag saarnaa Gaariga NOHA ah ay ciidamada bambooyin ku tureen markii la joojiyay taasi oo keentay in Ciidamadu gaariga rasaaseeyaan kadibna uu qarxay Gaariga.

Khasaaro kala duwna ayaa qaraxaaaso ka dhashay,waxaana halkaasi haatan ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo baaraya sida uu qaraxa u dhacay.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiorisaala.com.