DHAGEYSO: Dadka kunool degmada Kaxda oo baaq loo diray

Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Siyaasada ee Maamulka gobolka banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo Maanta ka qeyb galay Xaflad ka dhacday degmada Kaxda ayaa sheegay in shacabka degmada Kaxda loogu baahan yahay in ay bixiyaan Canshuuraha.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay si loo dhiso Wadooyinka soo gala degmada Kaxda in shacabka ay bixiyaan Canshuuraha, sidoo kalena ganacsatada degmada ay la shaqeeyaan Maamulka.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka gobolka Banaadir uu ahmiyad siinayo bixinta Canshuuraha si dib u dhis loogu sameeyo wadooyinka burbursan ee Muqdisho.

Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Siyaasada ee Maamulka gobolka banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa shacabka degmada uguy baaqay in ay ka shaqeeyaan sugida amniga degmada.