DHAGEYSO: Al-Shabaab oo Afduubtay Odayaal

Wararka naga soo gaaraya Tuullada Gaalleef  oo 15 KM u jirta Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in ay Al-Shabaab halkaasi ay ka afduubteen tiro ka mid ah odayaasha ku dhaqan degaankaasi.

Odayaasha Al-Shabaab ay Afduubteen ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa iyo 5 oday sida uu Risaala u sheegay qof ka mid ah dadka degaanka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa gubay Tuullada Gaalleefa sida ay Sheegeen dadka degaanka.

Dadkii kunoolaa Tuuladda Gaalleefa ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sameyeen Barakac madam Al-Shabaab ay u hanjabeen.