Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulada Al-muzamil iyo Al-furqaan ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala, kaasi oo ay taaba gelinayso Jaamacadda Banaadir.
Jaamacadda Banaadir ayaa ka mid ah Jaamacadaha ugu faca weyn ee ku yaalla gudaha dalka, waxaana inta badan ay ka qeyb qaadataa oo ay taaba gelisaa Tartamada nuucaan oo kale ee ay qabato Risaala.
Su’aalaha la isku weydiinayo Tartankan ayaa waxa ay yihiin kuwo ku saabsan Afka-Soomaaliga iyo Taariikhda dalka, waxaana looga gol leeyahay hormarinta Afka-Soomaaliga.
Labada iskuul ayaa soo bandhigay Tartan aad u xiiso badan, maadaama natiijada dhibcahooda ay iska akdhawaayeen.
Iskuulka Al-muzamil oo galabta adkaaday ayaa keensaday dhibco gaaraya 8, halka Al-furqaan oo laga badiyay uu keensaday 6 dhibcood.
Feysal C/laahi Maxamuud oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dusgiyada sare ee Idaacadda Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada Tartanka iyo iskuulka badiyay.
Maalinta berri ah ma jiri doono wax tartan ah oo ku saabsan midka Dugsiyada sare ee Risaala, oo waala nasan doonaa, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta sabtida ah, xilligaasi oo ay tartami doonaan iskuulada Dheere Xaaji Dheere iyo Sheekh Caanoole.










