DHAGEYSO: Ahlusunna oo eedeeyn u jeedisay Galmudug

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Cali Bashiir Faarax “ Cali Baashi “ oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka G almudug uu dagaal ka hurinayo magaalooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada Dhexe ee Dalka.

Waxa uu sheegay in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaanadaasi isla markaana aysan wax jawaab ah aysan ka bixin Maamulkooda sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Gobolada Dhexe aan lagu kor dagaalamin.

Sidoo kale Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Cali Baashi ayaa waxa uu beeniyay in Xiriir uu kala dhaxeeyo Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in wararkaasi iyo Eedeymaha loo jeedinayo Ahlu Sunna aysan waxbo ka jirin.