DHAGEYSO: Ahlusuna oo Dagaalka Xeraale ku eedeysay Galmudug

Madaxa warfaafinta maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula) ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay degaanka Xeraala oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay Muxudiin (Jakuula) Dagaaladaasi in ay ka dambeeyeen islamarkaana ay dabada ka riixayeen maamulka Galmudug.

Sidoo kale Wuxuu sheegay Madaxa warfaafinta maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna in maamulka Galmudug uu warbaahinada mariyay hadalo colaad hurin ah, weerarna ku qaaday degaanka Xeraale iyaga oo adeegsanaya Ciidanka Dowladda Federaalka.

Dadka degaanka ayuu ugu baaqay in ay aysan raali ka noqon isku dirka shacabka gobolada dhexe, sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xalinta xiisada.