DHAGEYSO: Ahlu Sunah”Sarkaal ayaan gacanta ku heynaa”

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolada dhexe ee ururka Ahlu sunah Dr.Cali Baashi oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu ka warbixiyay dagaalkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud.

Waxaana uu tilmaamay dagaalkii Dhuusa Mareeb in ay ku soo qabteen sarkaal hogaaminayay dagaalkaas waxaana taliyahaas lagu magacaabayay Liibaan Madaxweyne, isgaoo intaa ku daray waxa ay ka yeelayaan sarkaalka ay ku soo qabteen dagaalka.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolada dhexe ee ururka Ahlu sunah Dr.Cali Baashi ayaa kusoo aadaya xilli dagaal uu magaalada Dhuusa Mareeb uu ku dhex maray Ururka  Ahlu Sunah iyo maamulka Galmudug.