Agaasimaha idaacadaa Goobjoog FM oo ka mid ah idaacadda ku yaala muqdisho ayaa maanta ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya xabsiga dhigeen.
Xasan Maxamuud oo ah agaasimaha Goobjoog ayaa goor dhaw lagu xiray magaalada Muqdisho, kadib markii looga yeeray Xarunta CID.
Wariyaal ka tirsan Goobjoog ayaa Risaala u sheegay in waxyaabaha agaasimaha loo heysto ay ka mid tahay wareysi laga qaaday xilidhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku xiran Muqdisho.
Bashiir Maxamuud oo ka tirsan Goobjoog ayaa u xaqiijiyey xariga agaasimaha idaacadda Risaala.


