Xarunta golaha Shacabka ayaa waxaa ka socota Dhageysiga Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ilaa iyo 10-xildhibaan ayaa u sharaxan xilka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Mahad Cabdle Cawad oo Afartii Sano ee la soo dhaafay xilkaan haayay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay dhageystay khudbadaha Musharaxiinta u taagan Qabashada gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka kowaad.
Maanta ayaa lagu waddaa in la soo gaba gabeeyo Dhageysiga Qudbadaha Musharaxiinta, waxaana sidoo kale loo diyaar garoobayaa Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo 11-ka ilaa 12-ka Bishan.


