Ciidanka ammaanka dalka Suudaan ayaa xiray 115-ruux oo Muhaajiriin ah kuwaa soo la sheegay inta badan in ay yihiin Soomaali.
Dadkaan ayaa waxaa laga qabtay dhulka Saxaraha ah xili ay doonayeen inay gaaraan dalka Liibiya si ay ugu sii gudbaan Qaarada Yurub.
Saraakiisha dowladda Suudaan ayaa sidoo kale sheegay in dadkaan la xiray ay yihiin dhamaantood dad dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxeeyo 18-sano jir ilaa 25-sano jir.
Sarkaal Sare oo u hadlay Ciidanka Booliska dalka Suudaan ayaa sheegay in dadkaan ay ciidanka ammaanka ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen xadka u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Liibiya.
Cisaamadiin Saalix ayaa sheegay in 101-Qof oo ka mid ah dadka la qabtay ay yihiin Soomaali, waxaana sidoo kale ka mid ah dadkaasi 34-Dumar ah, halka 14-ka kale ay yihiin Itoobiyaan.
Magaalooyinka waa weyn dalka Suudan ayaa waxaa ku dhumaalaysanaya kumanaan qof oo muhaajiriin ah kuwasoo doonaya in ka baxaan halkaas.
Lamaaha ammaanka dalka ayaa heegan buuxa la galiyay waxaana la sheegaya in la amray in aysan ka bixi karin dalka Suudaan dadka doonaya in ay tahriibaan,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka oo la hadlay Warbaahinta.


