Hanti dhowraha Qaranka oo Goordhaw warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay wax ka ogaadeen heshiiskii ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta.
Hanti dhowraha Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixin xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya ee Fududeeyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig Ciidan ka furato Magaalada Berbera.
Waxaa uu sheegay in Heshiiskaan uu yahay mid Qalad ah ,islamarkaan si qaldan wax loogu sheegay xildhibaanada Somaliland.
Dhawaan ayaa xildhibaanada maamulka Somaliland ay meelmariyeen Heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalada Berbera.
Waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeestay Siyaasiyiinta ugu Caansan Somaliland.


