Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Dowladda ayaa ka dhacay degaano ku yaallo duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgal ka waday degaanada Ganbarlawe iyo luuqa Jeelow ay soo weerareen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cumar Cabdulle oo la hadlay Idaacada Risaala, ayaa wuxuu faah-faahin ka bixiyay dagaalkasi iyo Khasaaraha ka dhashay.
Deganada howlgalka ciidanka maanta ay ka sameeyeen, ayaa xilliyada qaar waxaa soo gala dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo si rasmi ah aagaasi uga taliya.


