Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in mid kamid ah Gabadhaha kunool halkaasi ay walaashee ku dishay Tooreey.
Arrinta layaabka leh ayaa waxaa ay noqotay in dilka kadib Gabadha dilka u geysatay walaasheed ay tagtay Saldhiga Booliska degmada Guriceel, isla markaan aay ciidamada u sheegtay inay dil geysatay, sidaasina ku xireen.
Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in falka markii ui dhacay kadib ay tageen Guriga, isla markaana ay soo xaqiijiyeen geerida Gabadha tooreeyda lagu dhuftay.
Wuxuu sheegay inay hadda wadaan howlo baaritaano ah oo ku aadan waxa keenay in Gabadha ay disho Walaasheed, isla markaana wixii soo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.
Dhacadaan ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayaa dgmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyada oo Bulshada Magaalada ay layaab ku noqotay.



