Dhaawaca Maxamed Salah iyo kulamada uu ka maqnaan karo

Liverpool ayaa si niyad ah u sugeysa wararka ku saabsan dhaawaca soo gaaray Mohamed Salah kulankii ay guusha ka gaareen Leicester sabtidii.

Gool uu dhaliyay James Milner daqiiqadii ugu dambeysay  ayaa suura galiyay inay 2-1 kooxda Jurgen Klopp kusii wataan bilowgoodii fiicnaa Premier League.

Reds ayaa sideed dhibcood ka sareysa kooxda difaacaneysa horyaaalka ee Manchester City ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Wolves maanta, laakiin guushan ayaa laga yaabaa inay caqabad kale u aheyd Liverpool.

Salah ayaa lagu qasbay gelinka dambe kulankii garoonka Anfield inuu baxo kadib markii uu dareemay xaalad adag markii ay isku dhaceen xiddiga kooxda Foxes Hamza Choudhury.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Masar ayaa isku dayay inuu sii wato ciyaarta, laakiin wax yar ka dib waxaana lagu bedelay Adam Lallana.

Wararka ku saabsan inta uu la egyahay dhaawaca Salah weli lama shaacinin laakiin rajadu waxay tahay inuu si buuxda uga soo kabsan doono maalmaha soo socda.

Ciyaaraha fasaxa caalamiga ee soo socda sidoo kale waxay u tahay waqti fiican oo uu kusoo kaban karo

Guushii ay ka gaareen Leicester ayaa aheyd guushii 17aad oo isku xigta Liverpool ay ka gaarto Premier League, waxaana ay hal guul ka dambeyaan rikoorkii Manchester City ee aheyd 18 guuloo xiriir ah.

Klopp iyo kooxdiisa ayaa haatan heysata labo isbuuc oo ay ku sugaan ilaa kulankooda xiga oo ay October 20 u safraan kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United.

Wiilasha Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dhex jira bilow liita, waxaa Reds ayaana rajeyneysaa Salah inuu kuso laabto kulanka ka dhacaya Old Trafford.

Haddii kooxda heysata horyaalnimada Yurub ayaa dar dar ku jirta iyadoo kadib Red Devils wajaheysa Tottenham.

Kadib kulamadaas Liverpool ayaa u safreysa magaalada Genk tartanka Champions League, waxaana ay ku soo dhaweyn doontaa Arsenal garoonka Anfield tartanka Carabao Cup.

Kulanka ugu adag Klopp kooxdiisa ayaa wajaheysa kooxda Manchester City 10ka November.

Iyadoo Liverpool iyo City kul dagaalamayaan xilli ciyaareedkan Premier League, labada kulan ee u dhexeeya labada koox ayaa cadeyn kara muhiimada tartanka horyaalka mar kale.